Dawan- Biyo-xireenka Dib-u-soo-nooleynta Itoobiya, oo loo yaqaan Grand Ethiopian Renaissance Dam ama GERD, waa mashruuca ugu weyn ee tamarta korontada ee Afrika, kana mid ah kuwa ugu weyn caalamka.
Itoobiya u ah astaan qaranimo iyo horumar dhaqaale, waxaa dhanka kale jiro khilaaf siyaasadeed iyo mid amni oo xooggan, gaar ahaan dhinaca Masar.
Itoobiya waxay biyo-xireenka ka dhistay Wabiga Blue Nile ee ka soo bilowda Harada Tana oo ah halka uu ka soo bilowdo Blue Niil.
Wabiga Niil ee Masar dhex mara in ka badan 80% biyihiisa waxa ay ka yimaadaan Blue Niil oo Itoobiya ka soo bilowdo, halka inta soo hartayna ay ka yimaadaan Harada Victoria oo ku taalla xadka Uganda, Kenya iyo Tanzania.





