Wajeer 19 December 2025 (Dawan)- Xildhibaanka laga soo doorto Waqooyiga Wajeer, Ibraahim Cabdi Saney, ayaa weerar afka ah ku qaaday Wasiirka Caafimaadka Kenya, Aadan Du’aale, isaga oo ku eedeeyay inuu carqaladeynayo wada-shaqeynta hoggaamiyeyaasha Waqooyi Bari iyo Madaxtooyada.
Hadalka Saney ayaa muujinaya khilaaf sii fidaya oo ka dhex aloosan hoggaanka siyaasadeed ee gobolka, xilli Madaxweyne William Ruto uu isku dayayo inuu xoojiyo taageerada Waqooyi Bari ka hor ololaha doorashada labaad. Xildhibaanku wuxuu ku adkeystay in daacadnimada dowladda aysan meesha ka saareyn waajibaadka loo hayo shacabka.
“Anigu waxaan la joogay Madaxweyne Ruto xilli dadkii badnaa ay dhinaca kale u wareegeen. Daacadnimadayda dowladda shaki kuma jiro, balse kama aamusi doono arrimaha saameynaya dadka na doortay,” ayuu yiri Saaneey.
Du’aale oo dhawaan ka hadlayay degmada Habaasweyn ayaa sheegay in qaar ka mid ah siyaasiyiinta gobolka ay la safanayaan mucaarad horey dadka gobolka ugu tilmaamay ajaanib.
Wuxuu intaas ku daray in xukuumadda Madaxweyne Ruto ay dib u soo celisay sharafta iyo karaamada dadka Waqooyi Bari, isaga oo xusay in madaxweynuhu uu niyad wanaagsan u qabo dadka Soomaaliyeed.








