Dawan TV, waxa uu helay faahfaahinta xaaladda caafimaad ee Madaxweynaha iyo xaqiiqda jirta ee ah waxa dhacay.
Warbixinta aan helnay ayaa xaqiijineysa in sannad iyo bar ka hor ay dhanka garabka ka soo gaartay Madaxweyne Xasan jug xooggan oo dhaawacday seedad isku xira muruqyada garabka iyo gacanta.
Ila wareedyadeenu waxa ay tibaaxayaan in dhaawacani uu soo gaaray xilli uu jimicsi sameynayay.
Dhaqaatiirtiisa gaarka ee ah ayaa amray qalliin degdeg ah oo qaadanaya saacad iyo bar, isla markaana u baahanaan doono todobaad nasasho ah, balse arrinkaasi waa uu ka biya diiday, isaga oo codsaday in dib loogu dhigo arrintan.
Jadwalka mashquulka badan ee dowladda Soomaaliya meelena kuma laha waqti caafimaad iyo mid nashasho.
Afar jeer oo baaris guud lagu sameeyay caafimaadka Madaxweynaha, dhammaan waxay ku taliyeen inuu qalliinka degdeg ku sameeyo.
Dhaqaatiirta Madaxweynaha iyo kuwa Isbitaal ku yaalla dalka Imaaraatka Carabta magaaladiisa Abudhabi ayaa ugu dambeyn ku guuleystay 1-dii ilaa 3-dii November in ay fuliyaan qalliinka.Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in talada kooxda xiriirka bulshada iyo siyaasaddu ahayd inuusan bulshada ka soo hor muuqan inta uu ka bogsoonayo, balse waxa uu doortay inuu howshiisa caadiga ah sii wato.Madaxda Soomaalida horay looguma oqoon inay soo muuqdaan xilliyada ay wajahayaan xaalado caafimaad, balse waa wax iska caadi ah marka dunida inteeda kale la joogo.