Mogadishu (Dawan) – Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xalay ka hadlay dhammaystirka iyo wax-ka-beddelka dastuurka dalka, oo ay shalay ansixiyeen xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka, isaga oo ku tilmaamay tallaabo ka qaaday Soomaaliya xayndaab muddo dheer hor istaagay horumarka dalka.
Madaxweynuhu waxa uu tusaale u soo qaatay awoodaha dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada oo aan si cad u kala xadidnayn, gelitaanka heshiisyo siyaasadeed oo waaweyn, iyo soo jiidashada maalgashiga caalamiga ah.
“Maareynta maaliyadda, wadaagga khayraadka, mideynta canshuuraha, wadaagga dakhliga iyo cidda maareynaysa khayraadka dabiiciga ah waxay ahaayeen qodobo xayiran. Maalgashi iyo kobac dhaqaale oo buuxa ma hirgeli karin iyadoo sharciga ugu sarreeya dalka uu weli ku-meel-gaar ahaa oo aanu si cad u tilmaamayn qodobadaas,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan.
Inkasta oo dowladdiisu diiradda saartay gelitaanka heshiisyo lagu soo saarayo khayraadka dabiiciga ah, sida shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah, haddana wuxuu sheegay in fursado kale oo waaweyn ay hor istaageen qodobbo ku jira dastuurka ku-meel-gaarka ah ee sanadaha badan la soo waday.
“Helitaanka kalsoonida hay’adaha dowladdu ku matalaan dalka, soo jiidashada maalgashi iyo heshiisyo waaweyn oo caalami ah oo horseeda yagleelka mashaariic horumarineed waxay ahaayeen kuwo ku xirnaa dhammaystirka dastuurka dalka. Ku-meel-gaarnimadu waxay ahayd dabar aan muuqan, balse culayskiisu si weyn uga muuqday hay’adaha dowladda,” ayuu yiri madaxweynaha.






