Mogadishu (Dawan) – Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa soo bandhigtay mashiin casri ah oo loogu talagalay qalliinka digaagga, kaas oo awood u leh in saacad gudaheed lagu qalo in ka badan 1,500 digaag. Mashiinkan, oo ay soo dejisay shirkadda Horn Afriik, ayaa qayb ka ah barnaamijka shaqo-abuurka ee ay hirgelisay dowlad-deegaanka, kaas oo lagu taageerayo warshadaha maxalliga ah iyo abuurista fursado shaqo.
Mashiinkan, oo dhammaystirkiisa ay ku baxday 100 milyan oo birr (qiyaastii $640,000), ayaa lagu sheegay inuu horseedayo isbeddel weyn oo ku yimaada warshadaha digaagga ee Deegaanka Soomaalida. Waxaana laga keenay dalka Shiinaha, iyadoo qaybta qaboojiyaha iyo qalabka kale ee lagama maarmaanka u ah mashiinka ay weli u baahan yihiin rakibid.
Farxaan Cabdiqaadir, maareeyaha shirkadda Horn Afriik, ayaa sheegay in mashiinkani uu waxtar weyn u leeyahay bulshada deegaanka, isla markaana uu ka dhalan doono shaqo-abuur, gaar ahaan dhalinyarada.






