Soomaaliya (Dawan) – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SODMA) ayaa maanta 50 booyad biyo ah gaarsiisay tuulada Qalqaloocan ee gobolka Mudug, iyadoo xaaladda abaarta ee ka jirta deegaankaasi ay sii xumaaneyso. Abaarta oo si weyn u saameysay shacabka iyo xoolaha deegaanka ayaa sababtay dhimashada muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Mire Xirsi Diini, halka dhibaatooyinka ka dhashay ay sare u qaadeen baahida biyaha iyo raashinka.
Guddoomiyaha SODMA, Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa booqday deegaanka si uu ugu kuurgalo xaaladda dadka ay abaartu saameysay. Waxa uu sheegay in mas’uuliyad wadajir ah ay saaran tahay Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada si degdeg ah loogu gurmado shacabka dhibaataysan.
“Runtii in dad u dhintaan abaar iyo biyo la’aan waa arrin xanuun badan. Waa mas’uuliyad naga wada saaran dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada. Waxaan halkan u joognaa inaan hubinno in dadka weli dhibaataysan la gaarsiiyo gurmad degdeg ah,” ayuu yiri Guddoomiyuhu.






