By Asha Elmi
SACUUDIGA – Wasiirka Wasaaradda Awqaafka iyo Arrimaha Islaamka ee Soomaaliya, Mukhtaar Roobow Cali, ayaa ka hadlay sababta loogu daray luqadda Soomaaliga luqadaha lagu turjumayo khudbadda maalinta Carafo ee Xajka sanadkan.
Wasiir Mukhtaar Roobow ayaa sheegay in sababta ay tahay in xujeyda Soomaaliyeed la dajiyey meel u dhow masjidka la yiraahdo Namirah, halkaasoo khudbadda maalinta Carafo laga jeediyo laga maqli karo, taasoo loo baahan yahay in si toos ah loogu turjumo si ay u fahmaan.







