Muqdisho (Dawan)- Waxaa qoray, Wasiirki hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Yuusuf Garaad
Waan ka murugooday xaaladda ka taagan qabuuraha Scuola Polizia. Dhan kasta marka aan ka eegay waxay iigu muuqata go’aan aan aad looga fiirsan.
Marka hore, qabuuro waa la kor degaa, laakiin waa marka sannado hore dadka lagu aasi jiray.
Qabuuro weli la adeegsado, turugadii geerida dadka ku aasan aan weli ehelkoodu ka soo kaban, ma ahan in loogo yeero in ay soo fagaan meydka.
Marka labaad, meyd in la aaso, waxaa ka dhib badan oo ka culus in la soo saaro lafahiisa oo dhammaystiran iyo haddii xubnihiisa kale ay wax ka hareen. Waxay u baahan tahay farsamo iyo aqoon u gaar ah. Qofka qodayaa ma og yahay in 206 lafood ay ku jiraan jirka aadanaha? Mise og yahay sida ay u eg yihiin iyo sida uu u raadin karo?
Midda kale, dadka qaarkii waxay u dhinteen Covid iyo cudurro kale oo halis ah.






