Muqdisho (Dawan)- Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa dadweynaha uga digay adeesiga iyo isticmaalka Lacagaha Daahsoon ee afka qalaad lagu magacaabo (Virtuals Assets-ka), sida Bitcoin. Stablecoins iyo kuwa kale ee lamidka ah, wuxuuna sheegay inaan laga aqoonsanayn gudaha Soomaaliya.
War-saxaafadeed kasoo baxay Bankiga ayaa sidoo kale lagu sheegay inaysan jirin shirkad ama cid u haysata sharciyad ah inay uga ganacsato Soomaaliya.
" Majirto hay’ad maaliyadeed oo shati u haysata in ay ka ganacsato adeegmaaliyadeed oo ku saabsan Lacagaha Daahsoon, sida sarifka, xawilaadda, lacag bixinta, maalgashiga, ama nooc kale oo adeeg maaliyadeed ah iyada oo la isticmaalayo lacagta daahsoon"
Bankiga ayaa digniintiisa ku sababay inay adeegisga Lacagaha Daahsoon ka dhalan karto khasaaro badan sida; inaysan lahayn sharci iyo xeernidaamiye ilaaliaya sidoo kale ma jiraan hay'ado caalami ah oo korjoogteeya adeegyada la xiriira Lacagaha Daahsoon, sida uu Bakiugu sheegay.



