Washington (Dawan)- Waaxda Kastamka iyo Xuduudaha Mareykanka (CBP) ayaa soo saartay amar degdeg ah oo lagu xannibayo alaabaha shirkadda Asli Maydi ee fooxa ka dhoofisa Somaliland. Go’aankan ayaa yimid kadib markii CBP ay sheegtay in baaritaanno ay sameeyeen lagu ogaaday in shirkaddu ay ku lug leedahay shaqo gelin qasab ah oo ka dhan ah sharciga Mareykanka.
Go’aankan, oo si degdeg ah uga dhaqan galay dhammaan dekedaha Mareykanka, ayaa la sheegay in uu ka dhashay calaamado muujinaya shaqo gelin qasab ah oo ay ku jiraan khiyaano, rabshado jireed, hanjabaado, iyo in shaqaalaha loo diido xuquuqda mushaharka.
CBP ayaa ku eedeysay shirkadda Asli Maydi in hab dhaqankeedu ka hor imaanayo sharciga Mareykanka ee mamnuucaya soo dejinta alaabaha lagu soo saaray shaqo ciqaabeed.
Mas’uuliyiinta sare ee CBP, oo uu ka mid yahay Troy A. Miller, ayaa sheegay in tallaabadan ay ujeedadeedu tahay in laga hortago shirkadaha ku shaqeysta nidaamyada shaqooyinka qasabka ah. “Alaabaha lagu soo saaray shaqo qasab ah waa kuwa si toos ah uga hor imaanaya qiyamka Mareykanka,” ayuu yiri Miller.






