Muqdisho. 15 December 2025 (Dawan)- Garoon ku yaalla Muqdisho ayaa lagu qabtay ciyaar kubadda cagta ah oo ay wada ciyaareen laba koox oo lagu kala magacaabo Midnimo iyo Horseed kuwaas oo dhammaan ciyaartoydu yihiin kuwa araga ka naafo ah, iyagoo adeegsanaya kubad samayneysa shanqar gaar ah.
Ciyaartoyda waxaa hagaya dhawaqa kubadda, kaas oo u tilmaamaya halka ay kubaddu ku jirto, jihada ay u socoto, iyo masaafada dhawaan ahaan iyo fogaanba.
Waliid Maxamed Cali, oo ah tababaraha kooxda Midnimo, ayaa sheegay in shanqarta kubaddu ay tahay isha kaliya ee ay ku hagaan ciyaarta.
“Shanqarta kubadda ayaan ku garannaa halka ay u socoto. Dhagaha ayaa noo noqday awood dheeri ah, maadaama indhihii naga xiran yihiin,” ayuu yiri; Waliid.
Kaalinta Garsooruhu kuma koobna dhexdhexaadin
Garsooraha ciyaarta, Axmed Maxamuud Yuusuf, ayaa door muhiim ah ka ciyaaraa hab sami u socodka ciyaarta nuucaan ah. Ma ahan oo kaliya dhexdhexaadiye ilaaliya sharciga ciyaarta, balse sidoo kale waa hagaha ugu weyn ee ciyaartoyda iyo ilaaliyaha badqabkooda.
"Waxaan uga digaa haddii ay darbiga ku dhow yihiin, waxaan u sheegaa cidda kubadda haysata, ciyaartoyga goolka u dhow, iyo meelaha ay khatar ka jirto,” ayuu yiri; Garsoore Axmed. Dhawaqa Garsooraha ayaa noqday iftiin ay ciyaartoydu ku fahmaan waxa ka socda hareerahooda.
Labadan koox ayaa ah kuwa kaliya ee kubadda cagta u ciyaara dadka aragga la’ ee Muqdisho, inkasta oo ay indhaha ka naafo yihiin, haddana waxay leeyihiin rabitaan iyo karti la mid ah ciyaartoyda kale, waxayna dalbanayan Garoomo ku habboon ciyaartooda, Tababar joogto ah, Taageero bulsho iyo waxyaabaha kale ee lagu hormarin karo xirfadooda kubadeed.













