Muqdisho (Dawan)- Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Shiinaha usoo magacawday Soomaaliya, Wang Yu ayaa maanta warqadihiisa aqoonsiga Safiirnimo ku wareejiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kadib munaasabad kooban oo ka dhacday Qasriga Madaxtooyada, iyada oo ay goob joog ahaayeen mas'uuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Axmed Macallin Fiqi.
Safiirka ayaa Madaxweynaha la wadaagay qorshihiisa ku saabsan xoojinta xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, sida ay Villa Somaalia ku baahisay barteeda Facebook, iyada oo Madaxweyne Xasan uu tilmaamay ahmiyadda ay leedahay xoojinta iskaashiga istaraatiijiyadeed ee labada dal, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, ganacsiga iyo amniga.
Wang Yu ayaa sidoo kale soo gaarsiiyay Madaxweynaha Soomaaliya salaan iyo farriin uu ka siday Madaxweynaha dalkiisa Xi Jinping.

Waa kuma Wang Yu?
Wang Yu, oo dhawaan loosoo magacaabay Soomaaliya waxa uu bedelaya Safiirki hore ee mudda xileedkiisu dhamaaday Fei Shengchao.
Sida ku xusan warbixin kooban oo lagu baahiyay website-ka Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho, Wang Yu waxa uu dhashay March 1973, waxa uuna shahaadada PhD ka haystaa Qaanuunka, waana xubin ka tirsan Xisbiga Shuuciga ee ka taliya dalkaas.




