Ankara (Dawan)- Maanta waxaa magaalada Istanbul laga soo sagootiyay Markabka ay Turkidu ugu talagashay inay xeebaha Soomaaliya uga baarto shidaalka.
Tillaabadan ayaa looga gol-leeyahay higelinta heshiiskii ay labada dowladood kala saxiixdeen bishii March ee lasoo dhaafay ee kusaabsanaa sahminta, qiimeynta, horumarinta iyo soo saarista shidaalka badda Soomaaliya.
Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan, Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Turkiga Alparslan Bayraktar iyo Gudoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliya ayaa ka qeybgalay xaflad sagootin ah oo loo sameeyay markabka Oruç Reis.
Markabku waxa uu baaris ka samayn doona ilaa seddex goobood oo middiiba dhantahay 5,000 kiiloomitir oo laba jibaaran muddo todobo bilood ah, waxaana la socda maraakiib kale oo dagaal.
Maxaan ka naqaanaa markabka Oruç Reis?






