Muqdisho (Dawan)–La-taliyihii hore ee amniga qaranka, ahna hadda Agaasimaha Machadka Saldhig Xuseen Macallin, ayaa sharraxaad ka bixiyay sababta ay kooxda Al‑Shabaab u danaynayso xiriir ay la yeelato kooxda Xuutiyiinta, inkasta oo uu jiro kala duwanaasho dhanka madhabka ah isla markaana uu jiro xiriir ay horay ula lahayd Al‑Qaacidda Jasiiradda Carabta.
La-taliyaha ayaa sheegay in muddadii u dhaxaysay 2011 ilaa 2018 in Al-Shabaab ay si weyn ugu tiirsanayd xiriirka ay la lahayd Al-Qaacidda Jasiiradda Carabta, oo ay ka heli jirtay tababar, taageero maaliyadeed iyo marin ay dunida dibadda kula xiriirto. Hase yeeshee, wuxuu xusay, duruufahaasi inay hadda is beddeleen, maadaama Al-Shabaab ay gaartay heer ay isku filnaansho ka gaarto dhinacyada tababarka iyo dhaqaalaha.
Sida uu sheegay Xuseen Macallin, istaraatiijiyadda kooxda ayaa hadda u wareegtay raadinta xiriirro caalami ah oo ballaaran. Sidaas darteed, Al-Shabaab waxay isku dayaysaa inay xoojiso xiriirka ay la leedahay kooxda Xuutiyiinta, iyadoo uu weli jiro xiriirkii ay la lahayd Al-Qaacidda Yemen.







