Qudus – 27 Diseembar 2025 (Dawan) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta ee Falastiin ayaa xaqiijisay taageerada buuxda ee ay u hayso midnimada iyo madax-bannaanida siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo si adag u diidday go’aanka Israa’iil ay ku aqoonsatay gobolka Somaliland.
War-saxaafadeed rasmi ah oo ay wasaaraddu soo saartay ayaa lagu sheegay in mowqifka Falastiin uu si buuxda ula jaanqaadayo sharciga caalamiga ah, go’aannada Carabta iyo kuwa caalamiga ah, iyo sidoo kale go’aannada Ururka Iskaashiga Islaamka, iyadoo la adkeynayo in midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya ay laf-dhabar u yihiin ammaanka, xasilloonida iyo ilaalinta sharafta shacabka Soomaaliyeed.
Wasaaraddu waxay si kulul u cambaareysay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, iyadoo Israa’iil ku sifaysay awood gumeysi , waxayna si cad u diidday tallaabo kasta oo dhiirrigelinaysa gooni-u-goosad ama wiiqaysa madax-bannaanida, midnimada iyo xasilloonida Soomaaliya.







