Muqdisho (Dawan)— Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in martigelinta Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika ay si cad u muujinayso soo kabashada Soomaaliya iyo kalsoonida sii kordheysa ee beesha caalamku ku qabto dalka, sida lagu sheegay war kasoo baxay Madaxtooyada.
Madaxweynaha oo ka hadlayay munaasabadda lagu soo xirayay shirka, kaas oo markii ugu horreysay lagu qabtay magaalada Muqdisho, ayaa xusay in qabsoomidda kulan heer gobol ah oo noocan oo kale ah ay caddeyn u tahay horumarka ay Soomaaliya ka gaartay dhinacyada amniga, maamulka iyo dhaqaalaha sanadihii u dambeeyay.
“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in martigelinta shirkan heerkiisu sarreeyo ay muujinayso soo kabashada Soomaaliya iyo kalsoonida sii kordheysa ee caalamku ku qabo dalkeenna,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.





