Jigjiga (Dawan) – Hoggaanka Ururka Xoreynta Ogaadeeniya (ONLF) garabka uu hoggaamiyo Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbidhagax), ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Maxamed Cumar, munaasabadda farxadda Ciidul-Fidriga awgeed. Kulankan ayaa ku soo beegmay xilli uu jiro dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo sii kordhaya ka hor doorashooyinka la filayo.
Kulanka ayaa qayb ka ahaa is-xogwareysi iyo is-muujin farxadeed oo la xiriirta munaasabadda Ciidul-Fidriga, iyadoo labada dhinac ay is dhaafsadeen hambalyo iyo bogaadin ku aaddan munaasabadda.
Inkastoo aan la shaacin in kulanka looga hadlay arrimo siyaasadeed, haddana waqtiga uu dhacay ayaa si gaar ah loo hadal hayaa, maadaama Itoobiya ay u diyaargaroweyso doorashooyin cusub oo heer federaal iyo heer deegaan ah, oo ay ku jirto Dowlad Deegaanka Soomaalida.
Ururka ONLF, oo hore u ahaa dhaqdhaqaaq hubeysan balse sannadkii 2018 isu beddelay xisbi siyaasadeed kadib heshiis nabadeed oo uu la galay dowladda Itoobiya, ayaa hadda ka mid ah xoogagga mucaaradka ee ka jira Dowlad Deegaanka Soomaalida.
