Dhuusamareeb (Dawan)- Siyaasiyiinta kasoo jeeda Koonfurgalbeed ee mucaaradka ku ah Madaxweynaha mamaul goboleedkaas, Cabdicasiis Xasan Laftagreen ayaa magaalada Dhuusamareeb ku booqday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Wararka laga helaayo kulanka ayaa tilmaamaya in Mucaaradka Koonfurgalbeed kala hadleen Madaxweynaha sidii doorashada maamul goboleedka Koonfurgalbeed loogu qaban lahaa waqtigeeeda iyo in Laftagreen oggolaado in siyaasiyiinta mucaaradka ah tegi karaan deegaanada maamul goboleedka si ay ula kulmaan bulshada.
Siyaasiyiinta ayaa caddeeyay sida ay ka go'antahay in ay ka qeyb qaataan dagaalka lagula jiro kooxda Al-shabaab, sida lagu daabacay Villa Somalia.
Qoraalka Madaxtooyada ayaa intaas raaciyay, in Madaxweyne Xasan uu warbixin ka siiyay siyaasiyiinta guulaha muhiimka ee laga gaaray dagaalka argagixisada, isaga oo kula dardaarmay in midnimo, isu-tanaasul iyo wada-tashi looga gudbo arrimaha lagu kala aragtida duwanyahay, si loo gaaro Soomaaliya xor ka ah argagixisada.



