Muqdisho (Dawan) – Dekedda weyn ee Muqdisho ayaa sannadkii 2025 diiwaangelisay koror muuqda oo ku yimid wax-soo-dejinta, kaddib markii ay dekedda kasoo degtay ku dhowaad 1.2 milyan tan oo alaabo kala duwan ah, isla markaana ay qaabishay 200 kun oo konteenar, sida uu sheegay maamulka dekedda.
Xogtan waxaa shaaca ka qaaday Maareeyaha Dekedda Muqdisho, Maxamed Cali Nuur (Americo), oo marti ku ahaa barnaamijka Miizaan Podcast ee Dawan Media, isagoo tilmaamay in tirakoobkan uu ka yimid waaxda xog-uruurinta ee dekedda, taas oo sannad kasta soo saarta warbixin rasmi ah oo lagu cabbiro waxqabadka dekedda.
“Sannadkii la soo dhaafay, dabcan waxaan leenahay waax u qaabilsan Statistics oo marka sannadku dhammaado soo saarta warbixinada. Sannadka 2025 waxay noo sheegeen in 1,200,000 tan oo alaabo kala duwan ah ay dekadda ka soo degtay,” ayuu yiri Americo.
Maareeyaha ayaa sheegay in alaabaha dekedda kasoo degay ay isugu jireen cuntooyin daruuri ah, shidaal, qalabka dhismaha, iyo badeecooyin ganacsi oo kala duwan, kuwaas oo laf-dhabar u ah dhaqaalaha dalka iyo nolol-maalmeedka bulshada.
Sidoo kale, maamulka dekedda ayaa xaqiijiyay in dhaqdhaqaaqa konteenarradu uu ahaa mid aad u sarreeya, iyadoo dekeddu qaabbishay ku dhowaad 200,000 konteenar oo isugu jira kuwa 20 mitir ah iyo kuwa 40 mitir ah, arrintaas oo muujinaysa koboca joogtada ah ee ganacsiga dalka.





