Muqdisho (Dawan)- Iyada oo aan la xaqiijin ayuu musharraxa xisbiga Jamhuuriga ee Donald Trump khudbad ka jeediyay xarunta ololihiisa doorashada isaga oo sheegtay inuu ku guuleystay doorashadii madaxtinimo, inkasta oo markii dambe uu helay codad u suurta gelinaya inuu markale ku laabto Aqalka Cad.
Sheegashadiisa kadib waxaa si isdaba joog ah u bilowday hambalyada ay madaxda caalamku la wadaagayaan Trump iyo shacabka America. Madaxdaas waxaa safka hore uga jiray kuwa dalalka Geeska Afrika.
Soomaaliya
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka mid madaxda dirtay hambalyada waxa uuna bartiisa ” X” kusoo qoray ” Waxaan kuugu hambalyeynayaa Mudane Donald Trump guusha taariikhiga ah ee doorashada Mareykanka.”
Xasan waxa uu intaas ku daray; ” Waxaan rajaynayaa in aan sii wadno iskaashiga xooggan ee labadeena qaran isi loo hormariyo nabadda, amniga, iyo barwaaqada guud”
Mareykanka ayaa xilligaan ah dowladda ugu muhiimsan ee Soomaaliya ka taageerta dhinacayda siayasadda, amniga, dhaqaalaha, arrimaha bini aadanimo iyo dib u dhiska hannaanka dowaldnimo. Waxaa ugu dambeyay inay Soomaaliya ka cafiso in ka badan 1 bilyan oo dollar oo deyn ah.
Jabuuti
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa isaguna soo qoray " Hambalyo Madaxweyne Trump oo loo doortay, waxaana rajo ka qabnaa in hoggaankiisu uu fursado cusub u keeno Mareykanka. Waxaan sidoo kale rajaynayna inaan sii xoojino xidhiidhka ka dhexeeya labadeena dal"
Mareykanku waxa uu ku leeyahay Jabuuti saldhigga ciidan ee lagu magacaabo “Camp Lemonnier” iyada oo lagu qiyaasay inay joogaan in ka badan 2, 000 oo askari.
Itoobiya
Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa ka mid ah madaxda gobolka ee Trump u diray hambalyada guusha uu kasoo hooyay tartanka madaxtinimada, isaga oo yiri; " Waxaan kuugu hambalyaynaya guushaada doorashada iyo dib usoo laabashadaada. Waxaan rajeynayaa inaan ka wada shaqeyno sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal inta lagu jiro xilhayntaada"



