Qahira 21 December 2025 (Dawan)- Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-Sisi, ayaa shirkii labaad ee heer wasiirro ee Madasha Ruushka iyo Afrika ka sheegay muhiimadda ay u leedahay dalkiisa ka qeybqaadashada Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM). Waxa uu tilmaamay in mudnaanta ugu weyn ee Masar ay tahay in la xoojiyo xasilloonida Geeska Afrika iyo amniga maraakiibta isaga goosheysa Badda Cas, kuwaas oo ah tiirarka ugu muhiimsan ee nabadda gobolka iyo tan caalamiga ah.
Sisi wuxuu cadeeyay in Masar ay si firfircoon uga qeyb qaadan doonto Hawlgalka AUSSOM, iyada oo sidoo kale dadaal ku bixineysa sidii loo heli lahaa dhaqaalaha lagama maarmaanka u ah hawlgalka. Masar waxay geli doontaa booski ay ka baxday dowladda Burundi oo muddo dheer ka tirsaneed hawlgalka, inkasta oo ay dowladda Itoobiya walaac ka qabto soo dhawaanshaha Masar.




