Muqdisho, 5 Febraayo 2026 (Dawan)- Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur, ayaa soo dhaweeyay go’aankii Golaha Wasiirada Khamiistii ee lagu ansixiyay dhowr heshiis istaraatiiji ah oo dhanka badda iyo heshiisyo caalami ah, kuwaas oo loogu talagalay in lagu casriyeeyo warshadaha maraakiibta dalka laguna xoojiyo xiriirka Soomaaliya la leedahay Turkiga.
Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ayaa u mahadcelisay Golaha Wasiirada ansixinta heshiisyadan, kuwaas oo ay ka mid yihiin Heshiiska Shaqaalaha Badda (2006), Heshiiska Caalamiga ah ee Nairobi ee Ka Saarista Burburka Maraakiibta (2007), Heshiiska Caalamiga ah ee Cabbirka Maraakiibta (1969), iyo Heshiis Isfaham u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.
Wasiir Cabdiqaadir ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku sheegay: "Waxaan ku ammaanayaa Golaha Wasiirada ansixinta heshiisyo istaraatiiji ah oo calaamad u ah horumar weyn oo lagu xoojinayo maamulka badda Soomaaliya iyo sumcadda caalamiga ah."
Wuxuu faahfaahiyay yoolalka degdegga ah ee wasaaraddu hiigsanayso: "Annaga oo xoojinayna iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga, iyo ku biirista heshiisyada muhiimka ah ee caalamiga ah, waxaan casriyeynaynaa dekedahayaga, kor u qaadeynaa ganacsiga badda ee badbaadada leh oo hufan, ilaalineynaa deegaanka badda, iyo in aan ilaalinno xuquuqda iyo daryeelka shaqaalahayaga badaha."
Bayaan ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu xusay in ujeedooyinka heshiisyadan ay ka mid yihiin:
Horumarinta ganacsiga badda iyo dhaqdhaqaaqa maraakiibta
Casriyeynta iyo hagaajinta adeegyada dekedaha







