Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa ballan qaaday in Midowga Afrika uu sii wadi doono taageerada buuxda ee uu u fidinayo Soomaaliya muddada uu xilka hayo, isagoo sheegay in aysan jiri doonin wax hakad ah inta uu isagu xilka hayo.
“Inta aan ahay guddoomiyaha Midowga Afrika, wax joogsanaya ma jiraan. Anaga oo ah Midowga Afrika, waan idin garab taaganahay, dadaalkana waan sii wadaynaa,” ayuu yiri Maxamuud, oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay kulan maamuus ah u qabtay Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa sheegay in Midowga Afrika uu marar badan garab istaagay Soomaaliya xilli ay ku jirtay marxalado adag. Wuxuu xusay in Soomaaliya aysan marnaba iloobi doonin kaalinta muhiimka ah ee Midowga Afrika ka qaatay nabadeynta iyo xasilinta dalka.
“Midowga Afrika wuxuu si muuqata noogu garab istaagay waqtiyadii ugu darnaa, doorkaas lama ilaawi karo,” ayuu yiri Madaxweynaha.



