Muqdisho Soomaaliya – Maamulka Gobolka Benaadir ayaa soo saaray amar cusub oo ku saabsan boorarka xayaysiinta ah ee lagu dhejiyo waddooyinka magaalada .
Go’aankan oo kasoo baxay Agaasinka Canshuuraha ee Gobolka Benaadir ayaa si cad u qeexaya in dhammaan boorarka xayaysiinta ee ku xiran laamiyada iyo waddooyinka magaalada laga doonayo in la diiwaangeliyo si canshuur looga qaado.
“Waxaan karabnaa shacabka Soomaaliyeed inaan u sheegno in boorarka iyo baalayaasha magaalada ku dhagan ay waajib tahay in laga bixiyo canshuur,” ayay tiri Agaasimaha Canshuuraha Gobolka Benaadir Sowda Suudi
Sidoo kale, agaasimaha ayaa xustay in shirkad kasta ama ganacsi kasta oo Muqdisho ka shaqeeya laga doonayo in ay boorarkooda si rasmi ah u diiwaangeliyaan, inkastoo aysan si rasmi ah u caddeyn qadarka lacagta ee shirkadahaasi laga qaadi doono.
Maamulka Gobolka Benaadir ayaa sidoo kale sheegay in aan magaalada laga dooneyn boorarka aan iftiinka lahayn xiliyada habeenkii, iyaga oo ku tilmaamay in ay hoos u dhigayaan bilicda magaalada.
Boorarka gobolku amray in la xirto waa nooca ifaya ee loo yaqaano Boxlight, kaas oo ah mid qiime ahaan ka qaalisan kan aan iftiinka lahayn. Arrintan ayaa keentay in ganacsato badan door bidaan boorarka aan iftiinka lahayn si ay uga fogaadaan kharashka badan ee ku baxaya kuwa ifaya.



