Muqdisho, Soomaaliya – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur, ayaa si adag uga digay in dad shacab ah ay weli la macaamilayaan kooxda Al-Shabaab, inkastoo dowladda horey uga digtay in laga fogaado xiriirka kooxdan. Wasiirka ayaa March-9-2025, fariin uu ku daabacay bartiisa Facebook ku sheegay in deegaanka Ceel Bacad ee gobolka Shabeellaha Dhexe lagu arkay dad xiriir la leh kooxda Al-Shabaab, taasoo muujineysa in aysan weli dad gaar ah ka waantoobin la macaamilka kooxda.
"Iyadoo dowladda ay dhowr jeer digniin ka soo saartay, haddana waxaan shalay Ceel Bacad ku aragnay in weli aysan dadka qaar ka waantoobin, welina la macaamilaan Khawaarijta," ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga.
Wasiirka ayaa shacabka ku booriyay in ay ka fogaadaan la macaamilka Al-Shabaab, isla markaana ay ka dheeraadaan goobaha ay kooxdaasi joogto. Wuxuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay: "Ilaahayoow marqaati ka noqo inaan gaarsiinnay!"



