Wakaaladdan waxaa dhidibada loo taagay sannadkii 1957 kadib markii ay timid cabsi badan oo laga qabay tignoolajiyada Nukliyeerka ee xilligaas iyo isticmaalkeeda kala duwan.
Xarunta dhexe ee wakaaladdu waxay ku taal magaalada Vienna ee dalka Austria, halkaas oo ay ku sugan yihiin shaqaalaha ugu badan. Wakaaladu waxa kale oo ay xafiisyo goboleed ku leedahay Toronto iyo Tokyo, halka New York iyo Geneva ay ku yaallaan xafiisyo dhanka xiriirka u qaabilsan.
Waxa ay shaybaaro lagu sameeyo cilmi-baarista ku leedahay Seibersdorf iyo Monaco.
Sida hadda ku cad website-ka Wakaaladda (IAEA) xubnaheedu waxay gaaraayan 178, waxayna Soomaaliya noqotay dowladda 179-aad ee ku biirtay hay'addan.