Garoowe (Dawan)- Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Puntland ayaa soo saaray Xeerarka Doorashooyinka Golayaasha Deegaannada.
Guddigu waxa uu sheegay in xisbi kasta ay ka reebantaahay in uu hantida dowlada u adeegsado danihiisa gaarka ah iyo ololaha doorashada .
Sharuucda uu soo saaray Guddiga, waxaa sidoo kale ka mid ah in aan la adeegsan karin koox ama ciidan hubeysan oo lagu socodsiinayo danaha doorasho , iyadoona dhamaan xisbiyada looga digay inay ku kacan falal ka hor imaanaya xeerarka Guddiga Doorashada ama jabinaya jadwalka loo qabaty doorashada.



