Addis Ababa (Dawan) – Itoobiya ayaa dhowaan bilaabi doonta mashruuceedii ugu horreeyay ee warshad tamarta nukliyeerka ah, kaas oo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ku tilmaamay midkii badali lahaa Biyo-xireenka ay ku baxday in ka badan $4 bilyan ee wabiga Abbay.
Ra’iisul Wasaaruhu waxa kale oo uu shaaciyey qorshaha dhismaha garoonka diyaaradaha ee ugu weyn Afrika oo ay leedahay shirkadda Ethiopian Airlines, kaas oo mar kale jabin doona mid ka mid ah rikoorada qaaradda u yaalo ka dib biya xireenka laga dhilayo korontada oo noqday midka ugu wayn qaaradda.
Abiy ayaa sheegay mashaariic kale oo dhinaca tamarta ah, oo ay ku jirto furitaanka warshaddii ugu horreysay ee gaaska dabiiciga ah oo dhowaan shaqo billaabi doonta. Isla maalintaas waxaa shaqo bilaabi doona warshad gaas farsameysa oo toban jeer ka fican warshadihii hore. Sidoo kale, warshad sifeysa shidaalka oo xaqiijin doonta riyo hore oo Itoobiyaanku lahaayeen oo soo saarista shidaalka ku saabsaneed.





