Garoowe (Dawan)- Boliiska Dowlad Goboleedka Puntland ayaa shaaciyay in gacanta lagu soo dhigay Barkhad Cawil Xirsi oo ka mid ahaa Afar maxbuus oo ka fakaday xabsiga Galkacyo, todobaadki hore, iyada oo abaal marin la guddoonsiiyay qofkii Boliiska lasoo wadaagay xogta ninka lasoo qabtay.
"Ciidanka Booliska Puntland ayaa abaal mariyay muwaadinkii keentay xogta dilaaga Argigixisada ah ee Barkhad Cawil Xirsi" ayaa lagu yiri; warsaxaafadeed uu Boliisku ku faafiyay barta Facebook.





