Muqdisho (Dawan)- Maxkamadda Racfaanka ayaa maanta go'aan kasoo saaratay dacwadii loo haystay Sayid Cali Macallin Daa’uud oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay dilka xaaskiisa.
Maxkamadda ayaa ayidday xukunkii dilka ahaa ee hore Maxkamadda Gobalka Banaadir ugu riday Sayid Cali Macallin Daa’uud
Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka, Siciid Cali Maxamed ayaa sheegay in Maxkamaduu ku heshay Sayid Cali dambiga lagu eedeeyay, sidaas darteedna lagu xkumay dil toogasho.



