Nairobi, 20 December 2025 (Dawan)– Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa si ku meel gaar ah u hakisay hirgelinta heshiiska Caafimaadka “Qaabka Iskaashiga Caafimaadka ee Kenya iyo Mareykanka,” oo malaayiin doolar ay ku baxeysay kaas oo ay dhawaan saxiixeen Madaxweynaha Kenya William Ruto iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Garsooraha Maxkamadda Sare, Chacha Mwita, ayaa Jimcihii soo saaray amar go'aan lagu joojinayo dhaqangalka heshiiska ilaa laga dhageysto lagana go’aamiyo dacwadda uu gudbiyay usoo gudbiyay Okiya Omtatah. Heshiiskan oo lagu qiyaasay $2.5 bilyan ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo iskaashiga labada dal ee la socodka cudurrada, adkeynta nidaamyada caafimaadka, iyo ka hortagga faafitaanka cudurrada caalamiga ah.
Si kastaba ha ahaatee, Omtatah ayaa ku dooday in heshiisku uu yahay mid u dhigma heshiis caalami ah oo la saxiixay iyada oo aan baarlamaanka iyo shacabka laga qaybgelin, taasoo ku xadgudbaysa Dastuurka Kenya iyo Xeerka Saxiixidda Heshiisyada. Waxa uu sidoo kale ka digay qarinta xogta, kharashaadka, iyo faragelinta waajibaadka dowladaha hoose.




