(Laascaanood, Dawan TV) – Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, oo dhowaan si rasmi ah ay Dowladda Federaalka ugu aqoonsatay maamul-goboleedkii lixaad ee dalka, ayaa tallaabo kale u qaaday dhismaha hay’adihiisa dowliga ah kadib markii Baarlamaankiisu ansixiyay habraaca doorashada guddoomiyaha iyo ku-xigeennadiisa.
Fadhiga oo uu shir-guddoomiyay guddoomiyaha kumeel-gaarka ah Maxamuud Salaad Warsame, ayaa ahaa kal-fadhigii koowaad, fadhigiisa labaad, waxaana kasoo qeybgalay 74 xildhibaan oo ka mid ah 83 xildhibaan ee uu leeyahay maamulka. Guddiga Doorashada Guddoonka ayaa horkeenay habraaca doorashada, iyadoo xildhibaannadu ay Cod gacan-taag ah ku ansixiyeen habraaca, waxaana oggolaaday 58 mudane, halka 16 kale ay ka aamuseen, mana jirin cid diiday.



