Jigjiga, 14 December 2025 (Dawan)- Hay’adda gargaarka iyo horumarinta ee Mercy Corps ayaa 584 qoys oo ku nool Degmada Abaaqarow ee Dowlad-Deegaanka Soomaalida u qaybisay 2,920 neef oo ari ah, si loo taageero qoysaska xoolo-dhaqatada ah ee ay saameeyeen abaaraha soo noqnoqday.
Qoys walba waxa uu helay shan (5) neef oo ari ah, kuwaas oo isugu jira lab iyo dheddig , taas oo qeyb ka ah barnaamijyada dib-u-kabasho degdeg ah ee ay hay’addu ka fuliso deegaannada ay abaaruhu sida daran u saameeyeen.
Mashruucan ayaa ujeedkiisu yahay in la yareeyo saameynta abaaraha sanadihii u dambeeyay, kuwaas oo si weyn u waxyeelleeyay xoolihii iyo hab-nololeedkii qoysaska ku nool Degmada Abaaqarow iyo guud ahaan Dowlad-Deegaanka Soomaalida.
Mercy Corps ayaa sheegtay in qaybinteedu si gaar ah diiradda u saartay qoysaska nugul ee ku tiirsanaa xoolaha, balse xoolohoodi ku waayay abaaraha isdaba-joogga ah, iyada oo looga gol leeyahay in dib loogu dhiso awooddooda nololeed iyo is-ku-filnaansho.
Guddoomiyaha Degmada Abaaqarow , Cabdullaahi Aadan Khaliif, ayaa sheegay in mashruucan uu door weyn ka qaadan doono dib-u-dhiska nolosha bulshada.


