Paris (Dawan )- Ciyaariyahanka u dhashay dalka Argentina ee u ciyaara kooxda Inter Miami, Lionel Messi, ayaa xalay la guddoonsiiyay abaal marinta kubbadda dahabka ah (Ballon d’Or) ee ay bixiso majaladda Faransiiska ee “France Football” taas oo la guddoonsiinayo ciyaariyahanka ugu fiican kubadda cagta adduunka sannad kasta.
Waa markii siddeedaad ee Lionel Messi uu ku guuleysto abaal marinta Ballon d’Or, taas oo ka dhigeysa ciyaariyahanka ugu badan ee la guddoonsiiyo abaalmarintaan, isaga oo sii fogeeyay record-kiisa iyo farqiga u dhexeeya ciyaariyahankii uu xifaaltanka ugu badan kala dhexeeyay tobankii sano ee lasoo dhaafay, Cristiano Ronaldo oo abaal marintaan ku guuleystay shan jeer.
Messi ayaa ugu sare maray liiska soddonka musharax ee abaal marintan u taagnaa, waxaana labaad iyo seddexaad kala noqday xiddigaha Erling Haaland iyo Kylian Mbappe.
Messi ayaa dalkiisa ku hogaamiyay in ay ku guuleysto koobkii adduunka ee 2022-ka lagu qabtay dalka Qatar, isaga oo dhaliyay 7 gool, halka uu sameeyay 3 caawin, wuxuuna ku guuleystay ciyaariyahankii ugu fiicnaa Koobka Adduunka.





