New York, 27 September 2025 – Midowga Afrika (AU) ayaa ka digay in guulihii siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya ka gaartay sanadaha dhow ay khatar ku jiraan haddii beesha caalamka aysan si degdeg ah u ballanqaadin maalgelin joogto ah oo lagu taageero Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Arrinkaan ayaay ka soo saareen ka dib Shir doceed lagu qabtay magaalada New York, oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya, Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo Boqortooyada Ingiriiska uuna Shir guddoomiyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Bayaanka ka soo baxay AU ayaa lagu sheegay in Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, uu ammaanay horumarka ay Soomaaliya gaartay sida deyn cafinta iyo xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Hase yeeshee, wuxuu ka digay in weli jirto nuglaansho iyo khatar joogto ah oo Al-Shabaab ku hayo amniga.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in AUSSOM ay u baahan doonto $196 milyan sanadka 2025 si ay u sii waddo hawlaheeda, isagoo xusay in AU ay laba jibbaartay tabarucaadda Sanduuqa Nabadda oo gaartay $20 milyan, balse aanay taasi ku filnayn.





