Brussels ( Dawan)- Midowga Afrika ayaa si cad uga horyimid tallaabada ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland, isagoo ku adkeeyay in madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya aan marnaba laga gorgortami karin.
Arrintan ayaa lagu muujiyay kulan degdeg ah oo maanta ka dhacay magaalada Brussels, kaas oo ay ka qaybgaleen mas’uuliyiin sare oo ka kala socday dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika, si ay uga arrinsadaan saameynta aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland iyo khataraha uu ku yeelan karo xasilloonida gobolka. Midowga Afrika ayaa ku tilmaamay go’aanka Israa’iil mid si toos ah uga hor imanaya sharciga caalamiga ah iyo mabaadi’da aasaasiga ah ee Midowga Afrika, gaar ahaan qodobka ilaalinta xuduudaha dalalka xubnaha ka ah sida ay ahaayeen xilligii ay xornimada qaateen.
Mas’uuliyiinta ka hadlay kulanka ayaa hoosta ka xarriiqay in Afrika ay si mideysan ugu taagan tahay difaaca madaxbannaanida Soomaaliya, ayna taageero buuxda siinayso Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dadaallada ay ugu jirto ilaalinta midnimada qaranka.





