Addis Ababa (Dawan) – Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa si cad u diiday talaabada ay Isaraa'iil ugu aqoonsatahay Somaliland inay tahay dowlad madaxbannaan, isaga oo ballanqaadka gaarab istaagga joogtada ah ee Ururka Midowga Afrika ee ku aaddan midnimada, madax-bannaanida, iyo xuduudaha dhuleed ee Soomaaliya.
Bayaan kasoo baxay ururka ayaa lagu sheegay in mowqifka Midowga Afrika uu yahay mid muddo dheer jiray , kuna saleysan mabaadi’da ku cad Xeerka Aasaasiga ah ee Ururka, gaar ahaan ixtiraamka xuduudaha aan la taaban karin ee la dhaxlay xilligii xorriyadda, sida lagu caddeeyay go’aankii 1964 ee Ururka Midowga Afrika (OAU).





