Itoobiya (Dawan) – Midowga Afrika ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada ku sugan gobolka Tigray ee Itoobiya inay muujiyaan is-xakameyn buuxda, kaddib dagaalladii kasoo cusboondaay gobolka, wuxuuna ka digay tallaabo kasta oo wiiqi karta geeddi-socodka nabadda.
Guddoomiyaha Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inuu si dhow ula socdo xaaladda ka taagan gobolka, isaga oo muujiyay walaac xooggan oo ku aaddan dhacdooyinkii ugu dambeeyay.
Maxamuud Cali Yuusuf ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda joogtada ah ee ilaalinta guulihii laga gaaray Heshiiskii Joojinta colaadaha, oo Midowga Afrika dhexdhexaadiyay, kaas oo dhex maray Dowladda Itoobiya iyo Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray, 2-dii Nofeembar 2022.







