Addis Ababa (Dawan)- Midowga Afrika ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya dalka Suudaan in ay joojiyaan dagaalka kana qeyb qaataan wada xaajooyada nabadda lagu raadinayo, sida lagu sheegay qoraal uu soo saaray Guddoomiyaha Midowga Afrika, Moussa Faki.Qoraalka Guddoomiyaha ayaa lagu muujiyay walaaca uu Ururka Midowga Afrika ka qabo xaaladda amniga Suudaan ee sii xumaaneysa kadib markii ay dagaalado kusii fideen Magaalooyin cuusb.
Dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Suudaan iyo xoogaga kasoo horjeeda ee loo yaqaano SRF ayaa ku baahay Magaalada Wad Madni ee Maamul Goboleedka Jazeera ee bartamaha Suudaan.
Kaamka Abu Shouk ee ku yaal Waqooyiga Darfur oo ay ku noolyihiin dad barakacayaal ah ayaa la kulmay weeraro maalmihii lasoo dhaafay, taas oo dhibaatada kusii kordhisay dad marki horaba qax ahaa.
Guddoomiye Moussa Faki ayaa caddeeyay sida ay uga go'antahay Ururka Midowga Afrika soo afjaridda colaadda Suudaan iyada oo lala kashanayo dhinacyada saameynta ku leh Gobolka.
Suudaan waxaa hareeyay iska horimaadyo rabshado wata oo qarxay 15-kii Abriil, 2023, kuwaas oo ka billawday khilaaf iyo isku dhacyo hubeysan oo u dhexeeya Ciidanka Suudaan iyo Xoogagga kasoo horjeeda ee RSF.






