Muqdisho (Dawan)- Ururka Midowga Afrika ayaa Sivuyile Thandikhaya Bam u soo magacaabay ku xigeenka ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, taas oo loo arko in ay ka dhigantahay tillaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo hoggaanka howlgalka Soomaaliya.
Sivuyile Thandikhaya Bam, oo ka soo jeeda Koonfur Afrika, ayaa 25-kii February, 2024-ka soo gaaray Xarunta Ciidamada Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ee Magaalada Muqdisho, isagoo diyaar u ah inuu qabto xilka cusub ee loo magacaabay.
Ninkaan ayaa khibrad dheer u leh arrimaha xallinta khilaafaadka, isaga oo hore u soo noqday Madaxa Qaybta Hawlgallada Taageerada Nabadda ee Guddiga Midowga Afrika, halkaas oo uu kaalin muhiim ah ka qaatay kormeeridda dadaallada nabad ilaalinta ee Afrika.



