Addis Ababa (Dawan)- Midowga Afrika ayaa ku adkeystay in Suudaan aysan heli doonin xubinimadeeda buuxda ilaa ay ka soo baxdo shurudaha looga baahanyahay dalalka ay ka dhacaan afgembyada ee ah in xukunka lagu wareejiyo hay'ado sharci ah oo heshiis lagu yahay.
Ururka ayaa hakiyay xubinimada Suudaan sanadkii 2021 kadib afgembigii dalkaas ka dhacay.
Bankole Adeoye, madaxa Arrimaha Siyaasadda, Nabadda, iyo Amniga ee Midowga Afrika, ayaa sheegay in dowlada Suudaan looga baahanyahay inay marka hore ka shaqeyso xabbad-joojin waarta iyo bilowga wada-hadallo siyaasadeed oo ay qeyb ka yihiin ururaada rayidka iyo dhinacyada siyaasadda.
“Midowga Afrika waxa uu ku taagan yahay mowqif cad: uma dulqaadanayo afgembi iyo tallaabooyinka aan waafaqsanayn mabaadi'da iyo xeerraka u degsan ururka” ayuu yiri Bankole Adeoye, oo shir jaraa’id ku qabtay Addis Ababa.



