Addis Ababa (Dawan)- Midowga Afrika ayaa taagero u muujiyay codsigii ay Soomaaliya u dirtay Qaramada Midoobay, si hakin farsamo loogu sameeyo bixitaanka 3,000 oo askari oo ka tirsan ciidmada ATMIS muddoo seddex bilood ah.
Midowga Afrika ayaa warxasaxaafadeed ku sheegay inuu garab taaganyahay dadaalka ay dowladda Soomaaliya ugu jirto in ay nabad iyo xasilooni ugu soo dabbaasho dhammaan dhulka Soomaaliya, taas oo ay faa'iido ugu jirto degganaanta gobolka Geeska Afrika.
Sidoo kale, Midowga Afrika ayaa soo dhaweeyay ballan qaadka dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ee Kenya, Itoobiya, Burundi, Jabuuti, iyo Uganda ee lagu taagerayo dagaalka lagula jiro kooxda Al-shabaab.



