Muqdisho (Dawan ) – Xisbiga Midowga Haybad Qaran ayaa muujiyay taageerada uu u hayo tallaabada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ee uu ku magacaabay Guddiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed, isagoo ku baaqay in geeddi-socodka lagu saleeyo dastuurka dalka.
War-saxaafadeed uu xisbiga soo saaray xalay ayaa lagu bogaadiyay dadaallada ay wadaan hoggaanka Koonfur Galbeed ee ku aaddan qabashada doorashooyinka, iyadoo lagu tilmaamay mid ka tarjumaysa rabitaanka shacabka iyo horumarinta nidaamka dimuqraadiyadeed.
“Doorashooyinku ma aha oo kaliya hab lagu doorto hoggaan, balse waa aalad lagu xaqiijiyo dastuurka dalka isla markaana lagu muujiyo rabitaanka shacabka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Xisbiga ayaa sidoo kale ku booriyay dowlad goboleedyada kale, gaar ahaan Hirshabeelle iyo Galmudug, inay si la mid ah u dardargeliyaan geeddi-socodka doorashooyinkooda.
