Brussels (Dawan)- Midowga Yurub iyo dalalka Geeska Afrika ayaa si wada jir ah u saxiixay Isbahaysiga caalamiga ah ee Gateway Alliance, oo ah hindise aas-aasi ah oo lagu kobcinayo dhaqaalaha iyo wax ka qabashada caqabadaha isbeddelka cimilada ee Gobolka.
Heshiiskaan oo lagu saxiixay magalada Brussels ee dalka Bilgium-ka intii lagu jiray Shirweynihii 19-aad ee dalalka Geeska Africa ayuu Midowga Yurub ku taageeray €83 milyan oo Yuuro.
"Waxaa Shirkaan nooga suurta gashay in aan helno fursado badan iyo mashruucyo qiima leh kuwaas oo isku xiraya dalalka aan jaarka nahay iyo geeska Afrika. Waqtiyada soo socda waxaan rajeynayaa in ay kasoo baxaan mashruucyada wax dan noo wada ah oo nawada farxad gelaya" ayuu yiri, Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda Jabuuti, Ilyaas Muuse
Dalalka Jabuuti iyo Itoobiya ayaa nasiib u yeeshay in ay noqdaan dalalkii ugu horeeyay ee saxiixa hindisaha iskaashigaan.
Isbahaysiga caalamiga ah ee Gateway Alliance waxa uu diiradda saarayaa kobcinta ganacsiga, isdhexgalka dhaqaalaha, iyo in Geeska Afrika uu awood u yeesho adkaysiga masiibooyinka dabiiciga ah sida abaaraha, iyo saameynta isbeddelka cimilada.





