USA, 28 Sebteembar 2025 – Guddiga Midowga Yurub ayaa sheegay Sabtidii inuu bixin doono maalgelin dhan €545 milyan oo u dhiganta $638 milyan si loo ballaariyo tamarta la cusboonaysiin karo ee Afrika, iyadoo mashaariicdu ka bilaabanayaan khadadka korontada ee Côte d’Ivoire ilaa koronto gelinta tuulooyinka Soomaaliya iyo Cameroon.
Madaxweynaha Guddiga, Ursula von der Leyen, ayaa kaga dhawaaqday maalgelintantan fariin muuqaal ah oo ay u dirtay Bandhigga Global Citizen, oo qeeb ka ahaa shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee New York.
“Doorashooyinka Afrika ay maanta samayso ayaa qaabayn doona mustaqbalka dunida oo dhan,” ayay tiri von der Leyen. “Kala guurka tamarta nadiifka ah ee qaaradda wuxuu abuuri doonaa shaqooyin, xasillooni, koboc iyo gaarsiinta yoolalka cimilada ee caalamka.”





