Soomaaliya, 17 Oktoobar 2025 — Midowga Yurub ayaa mar kale xaqiijiyay inuu sii wadi doono taageerada uu siinayo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), si loo xoojiyo amniga iyo xasilloonida dalka.
Arrintan ayaa Midowga Yurub uu kaga dhawaaqay intii lagu guda jiray booqasho saddex maalmood ah oo ay Muqdisho ku yimaadeen wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub, oo uu hoggaaminayay Dorota Dlouchy-Suliga, Madaxa Qaybta Xarunta Nabadda Yurub (EPF) Adeegga Hawlaha Dibadda ee Yurub (EEAS), iyo Raimondo Bussi, Madaxa Cutubka Qalabka Siyaasadda Dibadda (FPI) ee Guddiga Yurub.
Taageeradan cusub ayaa loo arkaa mid wax weyn u taraysa Ciidamada Ammaanka Soomaaliya iyo ciidamada AUSSOM, kuwaas oo wajahaya caqabado dhanka dhaqaalaha iyo qalabka ah, xilli ay dagaal adag kula jiraan Al-Shabaab iyo Daacish.
Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu weli yahay saaxiib dhow oo garab istaaga dadaallada Soomaaliya ee dhisidda amni iyo madaxbannaani waarta.
“Midowga Yurub wuxuu weli u taagan yahay inuu garab istaago Soomaaliya, isagoo taageeraya dadaalladeeda lagu dhisayo dal nabdoon oo xasilloon. Iyada oo loo marayo barnaamijka Xarunta Nabadda Yurub, waxaan gacan ka geysaneynaa xoojinta Ciidanka Xoogga Dalka, si Soomaaliya si tartiib tartiib ah ula wareegto masuuliyadda amnigeeda,” ayay tiri Safiir Francesca Di Mauro.
Wafdiga Midowga Yurub ayaa sidoo kale kulan la yeeshay saraakiil sare oo Soomaaliyeed, oo ay ka mid yihiin Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga, La-taliyaha Amniga Qaranka, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, si ay u eegaan heerka iskaashiga socda ee hoos yimaada barnaamijka Xarunta Nabadda Yurub. Kulamadaas ayaa diiradda lagu saaray sida loo dedejin karo taageerada Midowga Yurub ee ku aaddan dhismaha awoodda difaaca gudaha ee Soomaaliya.


-1024x640.jpg&w=3840&q=85)


