Muqdisho (Dawan)- Dowladda Soomaaliya ayaa ka heshay Midowga Yurub lacag ballan qaad ah oo dhan Sagaal Milyan oo Yuuro taas oo loogu tala galay in lagu kabo miisaaniyadda dowladda.
Taageeradan lacageed ayaa lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay maanta xafiiska Midowga Yurub ee magaalada Muqdisho kadib markii uu soo dhamaaaday kulan u dhexeeyay wasaaradda maaliyadda iyo mas'uuliyiinta xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya.
Maalgelintan cusub waxaa loogu tala galay in lagu taageero dadaallada dowladda ee lagu kobcinayo dakhliga gudaha, Faderaaleynta Hanaanka Maaliyadda Dalka iyo horumarinta adeegyada Waxbarashada loo dhanyahay.
Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Marwo Karin Johansson ayaa tiri: “Bixinta lacagtan lagu taageerayo miisaaniyadda waxay muujineysaa taageerada xooggan ee Midowga Yurub ee horumarka ay Soomaaliya sameysay si xilkasnimo iyo hufnaan ku dheehan tahay. " iyada oo intaas raacisay sida Midowga Yurub ay uga go'an tahay taageerada horumarinta Soomaaliya iyo hirgelinta qorshaha wadajirka ah ee Midowga Yurub iyo Soomaaliya.



