Muqdisho (Dawan)- Mala socotaa in 77% lasoo saaray Dahabkii ku jiray dhulka hoostiisa?
50% ka mid ah 77% waxaa loo adeegsaday Dahabka loo qaato quruxda ama lebiska, halka 17% lagu kaydiyay Bankiyada Caalmaiga ah ee dunada.
Inta soo hartay waxa ay isagu jiraan Bullion iyo nuucyada loo isticmaalo warshadaha, tignoolajiyada, maalgashiga, iyo ujeedooyin kale.
Haddii aad soo qaadato calculator ee aad xisaabiso qiimaha Dahabka ee maanta dunida yaal, waxaa kuu soo baxaya lacag dhan 15 trillion oo dollar iyo dheeraad.
Miisaanka Dahabka laga soo saaray dhulka hoostiisa, waxaa lagu qiyaasay 187 kun oo tan tan iyo markii uu billowday fahanka qiimaha uu leeyahay Dahabka, sida laga soo xigtay Hay’adda United States Geological Survey.





