Morocco (Dawan)- Labada xul ee Morocco iyo Senegal ayaa caawa ku ballansan ciyaarta kama dambaysta ah ee Koobka Qaramada Afrika, kulan ay labada dhinacba rajaynayaan inuu u noqdo taariikh cusub iyo hanashada markii labaad koobka qaaradda.
Labada xulba tan iyo bilowgii tartanka waxay muujiyeen dadaal dheeraad ah iyo ciyaar isku dheellitiran oo ay kusoo gaareen finaalka, iyagoo ka faa’iidaysanaya ciyaartoyda khibradda leh, dhallinyarada firfircoon iyo qaab ciyaareedka xisaabta ku dhisan ee macallimiinta labada dhinac.
Xulalka ugu fiican Afrika
Tartankan oo caan ku ah lama filaanada, hadana wax lala yaabo ma aha in labada xul ee ugu fiican Afrika inay isku arkaan finalka. Morocco ayaa ku jirta kaalinta 11-aad ee qiimeynta FIFA, halka Senegal ay ku jirto kaalinta 19-aad. Waxaa la filayaa in labada xulba ay kor u kacaan marka la sameeyo qiimeynta cusb ee FIFA , 19-ka Janaayo.
Faa’iidada garoonka
Morocco ayaa ka faa’iidaysatay taageerada ballaaran ee taageerayaasheeda, maadaama dhammaan ciyaaraheeda ay ku ciyaartay garoonka Amiir Moulay Abdellah ee Rabat, oo qaada ku dhowaad 69,500 taageere, isla markaana martigelin doona finalka.
Senegal, oo dhammaan ciyaaraheeda ku soo ciyaartay magaalada Tangier, ayaa markii ugu horreysay finalka ku ciyaari doonta garoon kale, taas oo caqabad dheeri ah ku noqon karta.
Xiddigaha isha lagu wada hayo
Xiddiga ugu hadal-heynta badan Morocco ilaa hadda ma aha Achraf Hakimi, oo ah Ciyaaryahanka Afrika ee Sanadka 2025, balse waa Ibrahim Díaz ee lambarka 10-aad u xiran xulka Morocco, kaas oo dhaliyay 5 gool shantii kulan ee lasoo dhaafay.
Dhanka Senegal, Sadio Mané ayaa ah maskaxda weerarka, isagoo abuuray 18 fursadood oo goolal noqon karay taas oo ka dhigan tirada ugu badan ee tartanka. Mané ayaa sidoo kale dhaliyay gookii xulkiisu finaalka ku yimid markii ay Masaarida ka badiyeen, isaga oo gaaray goolkiisii 11-aad ee taariikhda ka qaybgalka Koobka Afrika.










