Roma (Dawan)- Kooxda reer Talyaani ee Roma ayaa maanta oo Talaada ah ku dhawaaqday in tababarahoodi reer Portugal, Jose Mourinho, uu ka teagy shaqada kadib markii ay kooxdu la kulantay guul darrooyin is daba joog ah.
“Naadiga Roma waxa uu xaqiijinaya in Jose Mourinho iyo Kaaliyayaashiisi ay kooxda ka tageen" ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay Naadiga.
Go'aankaan ayaa yimid laba maalin ka dib guuldaradii 3-1 ay kala kulmeen naadiga AC Milan taas ka dhigan in rajadii ay ka qabeen koobka horyaalka iyo usoo bixidda Champions League ay mugdi gasho.
Roma ayaa sidoo kale laga soo ciribtiray koobka Talyaaniga isbuuci hore kadib markii ay Lazio ka badisay.
Mourinho ayaa naadiga Roma la joogay ilaa seddex xilli ciyaareed, iyada oo qandaraaskiisu uu ku egyahay bisha soo socota ee June.
Waxa uu kooxda kula guuleystay xilli ciyaareedkiisi ugu horeeyay koobka UEFA Conference League, waxa uuna kooxda gaarsiiiyay finalka Europa League xilli ciyaareedkii hore.





