Muqdisho, 30 Disembar 2025 (Dawan) – Hoggaamiyaha mucaaradka Israa’iil, Yair Lapid, ayaa si kulul u dhaleeceeyey go’aanka Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ee aqoonsiga Somaliland, isagoo ku tilmaamay in tallaabadan ay muujinayso maqnaanshaha siyaasadda diblomaasiyadeed ee ku saleysan qorshe iyo nidaam .
Lapid ayaa arrintan ka sheegay khudbad uu jeediyey intii lagu guda jiray kulan ay yeesheen Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Warbaahinta ee Knesset-ka Israa’iil. Waxa uu sheegay in go’aanka aqoonsiga Somaliland uusan ahayn mid ka soo baxay golaha wasiirada ama Golaha Amniga ee gaarka ah , balse uu ku koobanyahay kaliya xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, taasoo uu ku tilmaamay in laga tallaabay habraacyadii rasmiga ahaa ee go’aan qaadashada siyaasadda dibadda.
Lapid waxa uu tilmaamay in go'aanka Netanyahu uu geli doono Israa'iil taxane xiisado is daba joog ah.







